cookie

نحن نستخدم ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربة التصفح الخاصة بك. بالنقر على "قبول الكل"، أنت توافق على استخدام ملفات تعريف الارتباط.

avatar

İLA AKHRİ

Channel kaan waxa aan u sameeyay in aan ku kala faa'iidno, buugaag, aqoon iyo akhris.

إظهار المزيد
فنلندا2 107لم يتم تحديد اللغةالكتب8 425
مشاركات الإعلانات
2 711
المشتركون
-124 ساعات
+37 أيام
+3330 أيام

جاري تحميل البيانات...

معدل نمو المشترك

جاري تحميل البيانات...

Wiil aad u qurxoon, caqligiisuna uusan xumayn ayaan is barannay. Xoogaa markaan is naqaannay ee aan gaarnay heer aan nolosheenna wax iska waydiin karno ayaa waxa uu iiga sheekeeyay in ay gabar isa soo guursadeen. Waa war la gu farxo ayaan ugu jawaabay. Kadib ayuu bilaabay in uu gabadhii si faahfaahsan iiga sheekeeyo. Dabeecad ahaan ma ba jecli sheekooyinka ku saabsan qof aan aniga waxba igala dhaxayn. Aniga oo dhibsanaya ayaan dhawr jeer isku dayay in aan hadalka ka dhex galo, oo aan mawduuca badddalo balse isaga waxa ay ka ga dhaganayd in uu xaaskiisii hore xumaanteeda aad u faalleeyo. Intaan is celin waayay ayaan ku iri “Waxaa la ga yaabaa ayada haddii la waydiiyo qof noocee ah ayaad ahayd in ay sidaan si ka duwan kaaga hadli lahayd.” Wuu aamusay isaga oo aad moodid in uu ku baraarugay khaladka uu dhex taagnaa. Badanaa waxaa dhacda in dadku dadka ay isku xumaadaan, ama noloshooda ka baxa ay si xun uga hadlaan. Mararka qaarna waxaa sidaas si la mid ah ku kaca saaxiibada caadiga ah markii xiriirkii saaxiibtinimadu dhammaado isaga oo qofku isu arka in uu isagu yahay kan dhammayska ah halka qofka kale yahay midka wax walbaa ka khaldan yihiin. Waxaa foolxumo ah adigana sawir khaldan kaa bixinaya in aad qof aad wax soo wadaagteen, xumaantiisa faah-faahisid kana sheekaysid. Qof aad kala tagteen weligaa xumaan ha ka sheegin.
إظهار الكل...
إظهار الكل...
QORRAX MADOOBAAD

Fadumo Calimaad

إظهار الكل...
Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

24 Saac oo baadiye ah Waxa aan subax aroortii ka baxnay tuulo aan joognay, waxa aana u dhaqaaqnay dhanka baadiyaha. Jawigu waxa uu ahaa cadar cadar, neecaw qaboobi dhacayso. Gaarigii baa cabbaar na sii waday, dabadeedna waxa aan gaarnay halkii aan u soconnay. Xiiso aad u badan ayaan u hayay baadiyaha, naq iyo cows qurxoon ayaa meel walba warnaa inkastoo la dareemayo in jiilaalku bilow yahay haddana wax la dayrsado maahayn. Waxa ay ahayd 24 kii saac ee ugu dheeraa noloshayda inta aan xasuusto. Marka aan sidaas gaariga u raacnayba khadkii baa na ga tagay. Dhawrkii saac oo ugu horraysay aad uma dareemin, oo baadiyaha ayaan xiisaynayay. Shaah baan cabnay waynu fariisannay xoogaa markii aan joognay ayaan bannaanka u baxnay. Waa markaas marka aan la cajabay dhulka quruxdiisa, cawska iyo geedaha isa saaran, geel ari iyo lo’ ayaa daaqaysay. Buur meesha xoogaa u jirta ayaan fuulnay markaas buu khadku noo yimid. Qof aan u xiisay oo aan rabay in aan codkiisa maqlo ayaan wacay, nasiib xumo waa la iga qaban waayay. Waxa aan dareemayay sidii in aanan mar danbe khad heli doonin, jacayl hilow ah ayaan taleefankaygii u qaaday. Daqiiqad walba oo aan isticmaalayay waxa ay ahayd mid tirsan oo qiimo dheeri ah ii leh. Cabbaar markaan muuqaallo ka duuduubay dhulkii ayaan iska soo dagannay. Waxa aan cunnay bur xabaal na loo diyaariyay. Waxa aniga is waydiinta igu dhaliyay ayaa ahayd sida dhulkaasi u qurxoon yahay iyo sida aan sidii ay ahayd looga faa’iidaysan. Wax walba aad bay u qurxoonaayeen, waxa ayna ila ahayd sidii in aan riyoonayo. Markii qorraxdii dhacday, ee aan tabay social media hii aan waqtiga badan ku bixin jiray, waxa aan dareemay dareen aanan garanayn qaab aan u qiyaaso, sidii in wax kaar ah igu dhagan yihiin, waxa kaliya oo iga fujin karaana tahay in aan internet helo. 24 saac oo qurux badan tijaabo fiicanna ii noqotay ayay ahayd.
إظهار الكل...
Photo unavailableShow in Telegram
إظهار الكل...
Talooyin ku anfici kara

Fadumo Calimaad

Aabbuhu badanaa ma helo, buun-buuninta hooyada oo kale haddana saas oo ay tahay anigu waxa aan aaminsanahay in uu aad muhiim ugu yahay nolosha ilmaha, khaasatan gabdhaha. Muhiimadda Aabuhu ku leeyahay nolosha ilmaha waa mid aan si fudud loo koobi karin. Haddana marka ay gabadh noqoto Aabbeheed waxa uu u yahay tiirka ugu muhiimsan nolosha. Haddii aad u fiirsato gabdhaha horumarka fiican gaara, gabdhaha guurku u hagaago iyo gabdhaha si guud nolosha ugu guulaysta waxa ay u badan yihiin kuwa ka yimid guryo uu joogay Aabbe dhammaystiran oo ilmihiisa galiyay waqtiga ugu badan. Gabadha marka uu ka maqan yahay jacaylkii Aabbuhu, waxaa u fudud in ay noqoto mid goobaysa jacayl ay yaraanteedii ka qadday, oo ay si fudud u aaminto nimanka dhagartooda (siiba kuwa waawayn) waxa jirta xaalad la dhaho daddy Issues oo psychological ah waxaa la kulma gabdhaha Aabbe la'aanta ku soo koray, ama aabbahood uu ahaa Abusive. Waxa ay xiriirkii Aabbeheed ee ka lumay ka dhex goobaysaa ragga waawayn, taas oo badanaa ku dhammaata natiijo xumo. Madama ay maanta tahay maalinta Aabbayaasha, waxa aan dhihi lahaa dhammaan aabbayaasha soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gabdhaha dhalay, in ay nolosha gabadhaadu hagaagto adigaa masuul ka ah. Ha noqon Aabbe maqane jooge ah ee noqo aabbe dhammaystiran.
إظهار الكل...
اختر خطة مختلفة

تسمح خطتك الحالية بتحليلات لما لا يزيد عن 5 قنوات. للحصول على المزيد، يُرجى اختيار خطة مختلفة.