cookie

ู†ุญู† ู†ุณุชุฎุฏู… ู…ู„ูุงุช ุชุนุฑูŠู ุงู„ุงุฑุชุจุงุท ู„ุชุญุณูŠู† ุชุฌุฑุจุฉ ุงู„ุชุตูุญ ุงู„ุฎุงุตุฉ ุจูƒ. ุจุงู„ู†ู‚ุฑ ุนู„ู‰ "ู‚ุจูˆู„ ุงู„ูƒู„"ุŒ ุฃู†ุช ุชูˆุงูู‚ ุนู„ู‰ ุงุณุชุฎุฏุงู… ู…ู„ูุงุช ุชุนุฑูŠู ุงู„ุงุฑุชุจุงุท.

avatar

OGAANSHO ๐Ÿ“š๐ŸŒŽ

XIGMADO | DHIIRIGALIN | ISBEDEL NAFEED

ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ู…ุฒูŠุฏ
ู…ุดุงุฑูƒุงุช ุงู„ุฅุนู„ุงู†ุงุช
17 934
ุงู„ู…ุดุชุฑูƒูˆู†
+1524 ุณุงุนุงุช
+1307 ุฃูŠุงู…
+68830 ุฃูŠุงู…

ุฌุงุฑูŠ ุชุญู…ูŠู„ ุงู„ุจูŠุงู†ุงุช...

ู…ุนุฏู„ ู†ู…ูˆ ุงู„ู…ุดุชุฑูƒ

ุฌุงุฑูŠ ุชุญู…ูŠู„ ุงู„ุจูŠุงู†ุงุช...

20/30 Hal-ku-dheg aan jeclahay
Shirkada caanka ah ee Nike ayaa waxa uu yahay halku - dheggeedu โ€œJust do itโ€ oo macnaheedu noqonaayo Qabo (samee) oo keliya, in badan ayaan ka faaโ€™idey weedhan bal adna maanta ila dhuux. Hal-ku-dheggan waxa aan aad uga faaโ€™idaa marka aan rabo in aan qabto arrin muhiim ah sida bilaabista koorso cusub, ama akhrinta buug weyn, ama duubista muuqaal dheer amaba mashruuc cusub hirgelintiis โ€ฆiwm. Waxa dhacda inaad dareento culays iyo masโ€™uuliyad weyn marka aad rabto bilawga arrin muhiim ah oo weyn sida kuwan kor aynu kusoo xusney oo kale, culayskaasina waxa uu kuu diidaa inad bilawdid hawshii aad rabtey oo aad ka maagto, marka ay xaaladu bartaas kula gaadho adeegso Halku-dheggan. Hal-ku-dheggani macnihiisu waxa uu yahay qabo oo wax uun ka samee hawlaha kuu yaala, wax ka hirgeli arrinkan haba yarato eโ€™. Ku dhaqan Hal-ku-dheggan marka aad rabto inaad Wax-barato se wixii ay kula adkaadaan, ku dhaqan Hal-ku-dheggan marka aad shaqo - doon tahay meel aad ka bilawdana aanad garanayn, ku dhaqan Hal-kudheggan hadii aad guur-doon tahay arrimihiina ay kugu baaheen, ku dhaqan Hal-ku-dheggan hadii aad buurantahay oo aad rabto jimicsi miisaanka kaa yareeya, ku dhaqan Hal-ku- dheggan hadii aad jaamici tahay Imtixankiina kusoo dhawaadey. Waxa inta badan la arkaa hawl wax weyn u eekayd intii aan la guda gelin in ay noqoto wax fudud marka la bilaabo taasina waa sababta aan kuu leeyahay bal samee oo qudha. Meel kasta oo noloshaada ka mid ah waad ku dhaqmi kartaa Hal-ku-dheggan wax wayna waa ku tari karaa hadii aad dhuuxdo xikmada ku dhex qarsoon. Ugu dambeyn waxa aan u mahadnaqayaa shirkada Nike ee na bartey Hal-ku-dheggan. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
๐Ÿ‘ 2
Repost fromย N/a
โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚ ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹ Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ Kanaalada somalida ugu wanaagsan Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ @Caashaq15 @Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข @Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’ @Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน @Riyooyinkeena56? @NAFTEENNA1 โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ https://t.me/addlist/HJOtmkMhVRZlODk0
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
MIDNIMO

Gud Kooxda Midnimo invites you to add the folder โ€œMIDNIMOโ€, which includes 96 chats.

19/30 Quraanka ku akhri.
Waqti aan sidaas usii fogeyn ayaan bilaabay in aan akhriyo quraanka, barakada aan ka helayna Ilaahay ayuunbaa og, barako ah dhinaca waqtiga, barako dhinaca maalka ah, barako dhinaca shaqada ah iyo barakooyin kale oo badan, sirtana waxa aan kuugu sheegi doonaa qormadan. Waa marka hore Quraanka awalba waan akhrisan jiray โ€“ Ilaahay ayaa mahad leh- hase ahaato eโ€™ in danbe ayaa waxa aan isku arkay mashquul badan iyo waqti yar oo aanad waxba haleeli Karayn, aniga oo sidan ah ayaan maalin daawaday muuqal aad moodo in uu aniga iga warramaayo dhinaca mashqul badnanta, waxaanan ninkaas ka faaโ€™iday muuqaalkiisaas arrinkan โ€œ Quraan ku bilaw arrin kasta oo aad rabto qabashadiisa โ€ waa farriin fudud se marka aad tijaabiso noqon doonta wax noloshaada wax ka bedela. Waxa aan bilaabay maalinkaas iyo wixii ka dambeeyey in aan akhriyo Quraanka marka aan shaqoda bilaabo, marka aan guriga yimaado, marka aan caruurtayda wax u dhigaayo, marka aan mashruuc cusub bilaabi doono, iyo mar kasta oo ay hawli u sugayso, waxaanan arrintan ka dheefay barako uu Ilaahay uun ogyahay, waxa aan dareemay wixii waqti badan igu qaadan jiray in uu waqti kooban iigu dhamaado, wixii adkaan jirayna uu ii fududaaday. Waxaasina wax kale maaha ee waa barakada quraanka. Quraan ku bilaw hawlahaaga marka aan ku leeyahay maaha macnaheedu quraan badan akhri, waxa aad akhriyi kartaa suurad, laba suuradood, hal bog hadii aad doontidna bogga kala qaybso oo badh akhri, muhiimadu waa quraan akhri. Waxa intaas kuu dheeraan doona in aad abaal-marin ku heli doontid xaraf kasta oo aad akhrido, xarafkuna waxa uu kuu noqon 10 ajar, bal sawiro boqol xafar oo aad akhridaa inta ay abaal marin kuu noqon doonto. Maanta laga bilaabo quraan ku bilaw hawl kasta oo muhiim kuu ah waxa aad arki doontaa barako aan xad lahayne. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
โค 5๐Ÿ‘ 4
18/30 Masโ€™uul miyaad seexatey?
Tani waa farriin ku socota saaxiibkayga aan masโ€™uuliyadba isa saarin, waa ninka aan xilba isa-saarin, waa ninka u haysta inuu caruuryahay โ€ฆ Haa sida caruurta in masuul laga yahay, waxa aan la hadlayaa ninkii iska seexdey isaga oo wax looga fadhiyey. Mudane Sxb Ogow masuul ayaad ka tahay naftaadan, sidii aad uga badbaadin lahayd naar ololaysa, adiga ayaana ka masuul ah sidii aad janno u geyn lahayd naftaadan. Masuul ayaad ka tahay inaad naftaadan wax-barto, waxa aan ka hadlayaa aqoon kuu sheegta maxaa kuu xalaal ah se maxaa kaa xaaran ah Waxba ha iiga sheekayn shahaado jaamacadeed oo aan ku barin xalaal-miiradka, dabadeedna baro wixii aan ku xoogsan lahayd adduunkan aan jaahil waxba looga tagin. Masuul ayaad ka tahay Qoyskaaga hooyadaa iyo aabahaa laga bilaabo, waxa lagaaga fadhiyaa sidii aad uga farxin lahayd, sidii aad ugu celin lahayd wax ka mid ah rafaadkii iyo daalkii ay kusoo geliyeen, waxa xiga reerkaaga hadii aad xaas tahay oo yaad ku halaynaysa mustaqbalka ubadkaaga ninoow. Masuul ayaad ka tahay diintan sidii aad faafin lahayd, ogow in caalamkani diin laโ€™aan meelna gaadheyn, si dhab ah aan kuugu sheegee Islaamk aan kula weyneyni waa dawada caalamkani uu maanta ugu baahi badanyahay, hadii aanad weli halkaas gaadhina bal nala soo eeg suuqa reer galbeedkaโ€ฆ wallee inaad yaabi. Saaxiibkayoow dalkan masuuliyad ayaa kaa saaran, jooji calaacalka oo dalkaaga dhis oo dhiso, ha isweydiin muxuu dalkaygu ii qabtay ee is weydii maxaan dalkayga u qaban karaa waa sidii laga hayey Kennedy. Aan kusoo xidho farriintan dheere, inta aad isdareensiiso masuuliyada kaa saaran naftaada, diintaada, qoyskaaga, iyo dalkaaga ayaad guul u dhawdey weligeedna qof damiin ahi waxba ma qaban. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
โค 8๐Ÿ‘ 1๐Ÿ”ฅ 1
17/30 Sariirta iska hagaaji
โ€œHadii aad rabto inaad caalamka wax ka bedesho sariirtaada hagaajisoโ€ฆ.โ€ Sidaas ayuu ku bilaabay hadalkiisii ninkan oo ah sarkaal sare oo khudbad u jeedinaya ardey qalin jabinaysey. Inaad sariirtaada hagaajisaa wax fudud ha u qaadan waayo:- 1.Hagaajinta sariirtaada marka aad ka kacdid waxa ay ka dhigantahay hawl fudud oo kuu hirgashay, taasina waxa ay keensanaysa in ay hawl kale ku qabsoonto, hadana mid kale, hadana mid kale sidaas uun u sii wad... 2.Waxa dadka waayo araga ahi talo ku bixiyan inaad ku bilawdid subax kasta waxa loo yaqaano โ€œGuulaha yaryarโ€ kuwaas oo ah qabashada hawlaha yaryar. Intii aad hawl weyn maalintaada ku bilaabi lahayd qabo arrin fudud oo ku dareensiiya guul yar inaad gaadhey sida hagajinta sariirta oo kale. 3. Hagaajinta sariirtaadu waxa ay ku dareensiinaysaa inaad masuul tahay oo hawli ay ku sugayso, weligeedna qof masuliyad isasaaray ayuunbaa noloshan ka midho keena. Saaxiibkayow Muslimka ahaw adigu waxa aad subaxaaga ku bilaabi kartaa guulo yaryar, tusaale ahaan Kicista hore si aad usoo tukato, weyseysiga, Cadaysashada, kicinta dadka kula hurdey, ku tukashada safka hore ee masjidka, Adkaar aad soo akhrisato, ducada salaada ka dambeysa intaas iyo qaar kaleba waa aad ku bilaabi kartaa. subaxaaga, intaasi hadii ay kuu hirgasho waxa lagaa sugaaba waa inaad caalamkan wax ka badesho. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
โค 11๐Ÿ‘ 5โœ 1๐Ÿ‘Ž 1๐Ÿ‘ 1
16/30 Shaqo laguma taajiro
Nin baa laga hayey โ€œ Weligeed lama arag nin ku taajiray shaqo uu qabto laga bilaabo 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimoโ€ aniguna waxaan kuugu soo koobey โ€œShaqo laguma taajiro". Indhahaaga fur oo hareerahaaga eeg miyaad aragtey ama maqashay nin shaqaale ah oo maalqabeen ku noqdey shaqaduu hayey waa hadiii aanuu tuug ahayne. Waxa aad doontid noqo Wasiir, agaasime,xildhibaan, gudoomiye, xog-haye, macalin, askariโ€ฆ iwm weligaa kuma taajiri doontid mushahar aad qaadatid oo ku kooban afka iyo gacanta. Waxa aan bartey in barako la geliyey ganacsiga sida uu doono ha noqdee, waqti waa ay qaadan doontaa se ogow hadii aad la timaadid kartideeda adiga oo yar ayaad nasan doontaa oo xoolahaagu kuu shaqayn doonaan, ee imikaba qorshaha ku darso ganacsi abuurkiis. Intaas hore aan wax kuugu daro: Waqtigan aynu hadda joogno fursadaha ganacsigu aad iyo aad ayey uga fududaadeen waqtigii hore Internet-ka awgii, ee ku dedaal inaad samayso ganacsi xidhiidh la leh Internet-ka waayo si fudud ayuu kuugu qarxi karaa. Saaxiib inta aanad ku dul dhiman shaqo aanay cidi kuu ogeyn dedaalka aad geliso, inta aanad arag aduunkii oo kaa dul tallaabsadey, inta aanad cimrigaaga ku waayin u shaqaynta dadka kale Qorshee sidii aad ganacsi ku gaar ah u yeelan lahayd kaas oo wax ku tara dadkuna ka dheefan. sxb kusoo biir naadiga lacaglayda oo horey ka faakihayso. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
โค 4๐Ÿ‘Œ 4๐Ÿ‘ 1๐Ÿ•Š 1
Photo unavailableShow in Telegram
๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—ข๐—ฅ๐—˜๐—— ๐—•๐—ฌ : @Darenjaceyl1 @wadnojacayl @dhiirigaliye10 @Maskax_maaal @Team_Hormuud @Xikmadoiyodhiirigalin ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ณ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜‚ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ป๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—˜๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ป๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—œ๐—ป๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต. ๐Ÿ’ฏ๐Ÿ“š๐Ÿง  ~ ๐—”๐—ฑ๐—บ๐—ถ๐—ป - @Wll_adnaan
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
๐Ÿ‘ 4โค 1
๐—ก๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐˜„๐—น๐—น โ™ฅ
15/30 Maxaa kuu hadhay walaal?
Waa nin waalan oo hadana fayow, uu caafimaad qabaa marka aad aragtid hadana xanuun daran ayaa haya, waxa uu afkiisa igaga yidhi waxa an u dhawahay in aan isdilo, imikana jidkeedii ayaan hayaa geerida oo madaxa ayaa gidaarka ku garaaca habeenkii si aan u nasto, tani waa xaalada nin aan caawa la kulmay ee ila akhriso. Nin kani waxa uu kasoo jeedaa reer fiican oo ladan dhaqaale ahaan oo isku xidhan qoys ahaan hase ahaato eโ€™ isagu waa gooni u socod, dhaqankiisa xun iyo dabeecadiisa gurracan ayaa qoyskii ka dhex saartey uu ka midka ahaa. Reer ayuu sameeyey waqti hore se gacantiisa ayuu ku burburiyey oo gabadhiisii way kala tageen โ€ฆ.. oo yaa la joogi kara ninkan dabeecada xun, ninkani keli ayuu ka door biday badhaadhihii uu qoys yeelan jiray. Ninkani shaqo marka ay noqoto meelna kuma raago, intaas oo shaqo oo fiican ayaa laga soo eryey mar kastana isaga ayaa gacantiisa isku erya, maanta wax camal ah oo hagaagsan ma hayo. Cibaado ma yaqaan addoonkani, waxa aan ka maqley isaga oo leh 6 sanno salaad ma tukan, kollay mar hadii ay salaadii sidaas isku yihiin wixii kalena ha joogaan. Muuqaalkiisa hadii aad aragto bahal mooye qof odhan maysid, waxa uu noqdey sidii katabaan maryo ay sudhanyihiin, habeenkii ma seexdo, shaydaanna calan ayuu ka taagtey oo bahal waswaas la yidhaahdo ayuu ku asqeeyey heer uu gaadhsiiyo in uu kitaabka ku kaajo ama uu biyo isaga keenoโ€ฆโ€ฆ. Ilaahayoow na cafi. Aan kuu sheego ninkan halka laga raacay, waa jaadka iyo walaaladii, Jaadja ayaa baray soo jeedka habeenkii iyo hurdo laโ€™aanta, isaga ayuu ku bartey rakaab xun iyo dad aan hagaagsanay, isaga ayuu ka bilaabay leexashada, intaas waxa uu raacdey sinoda iyo daawashada aflaanta xunxun taas oo noqonaaya jaadka walaaladii. Saaxibkayow Alxamdulilaah dheh hadii aanad halkaas gaadhin, ogowna in jaadku iyo balwaddu guud ahaanba ay tahay halka uu qalloocu kabilaabmo, jaadku waa albaabka laga galo xumaan wixii kasoo hadhay, Walaalow ha dhiman inta aanad dhiman, ha guban inta aan aakhiro la gaadhin, iskana jir Jaadka iyo Walaaladii Rabbina haku dhowro. ... ๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
๐Ÿ‘ 10๐Ÿซก 3โค 2๐Ÿค 1
14/30 Goobadii layaabka badnayd
Sheekadani waa nin macalin ah oo si fudud caan ku noqdey, hanti badan ka helay farsamo yar oo aanad rumaysan doonin in ay sabab u ahayd guusha macalinkan. Alex waa macalin xisaabeed ka shaqeeya dugsi hoose, maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu sawiray Goobo (Circle) dhamaystiran oo aan wax qallooc ah lahayn isaga oo ku sawiraya gacmihiisa oo keliya wax qalab ahna aan adeegsanayn. Arrintani waxa ay soo jiidatey ardeydii dugsiga, inyar ka dibna ardey ayaa ka duubacay muuqal macalinkii oo sawiraya goobadii, dabadeedna waxa uu soo dhigay youtube-ka, halkaas oo lagu daawaday 100 kun oo jeer (100k views) maalmo kooban gudahood, imikana waxa ay maraysaa 36 milyan oo daawasho. Ninkii macalinka ahaa waxa uu noqdey xiddig waqti yar gudihiis, halkaas oo lagu waraystey Tv-yada ugu caansan aduunka waqtigaas, waxa uu arrintan ka helay lacag badan taas oo guri uga dhisay ayeydii, dugsi u gaar ahna uu ka furtey lacagtiisaas, bas cusubna waxa uu ugu deeqay dugsi si loogu shaqeeyo ardayda dugsigas. Macalinkani waxa uu sheegay in uu ku tabobaran jiray sawirista goobadan 200 oo jeer maalin kasta, halkaas oo uu qaldi jiray inta badan 10 jeer oo keliyana ay u hagaagi jirtey, Hal cashar hadii aan kala baxay sheekadan waxa uu yahay: Saaxiib Hal arrin oo aad ku fiicantahay dooro, si maalinle ah ugu tabobaro, ha daalin, ha caajisin, dulqaad samee inyar ka dibna waxa aad ku raaxaysan doontaa midhaha dedaalkaagaas Insha Allaah. ...๐Ÿ—จ
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
๐Ÿ‘ 4โค 2๐Ÿ‘ 1๐Ÿฅฐ 1
Photo unavailableShow in Telegram
Via @Faaido_team T 1 Tแดแด˜ Fแด€,ษชแด…แด Tแด‡สŸษขส€แด€แด แด„สœแด€ษดแด‡สŸs แดกแด€แด€ แด‹แด€ษดแด€สŸแด แด›แด‡สŸษขส€แด€แด แด แด€ส แด‹แดœ แดษชแด…แดส™แด‡ษด แดขแด€แด€xษชษชแด˜แด sแดแดแด€สŸษชสแด‡แด…, สœแด€แด…แด€า“แด‹แดแด…แดœษดแด€ สแด€สœแด€ส ษชษด แด€ส sแด€xษชษชแด˜แด€แด…แด€ แด‹แดœ xษชส€แด€ษด แดœ sแดแด ษขแดœแด…ส™ษชสแด€ษด แดแดแดกแด…แดœแด„สแด า“แด€,ษชแด…แด แดœ สŸe๐Ÿฅ‡    ๐Ÿ“Ku biir๐Ÿ“ ๐—ฆ๐—ฃ๐—ข๐—ก๐—ฆ๐—ข๐—ฅ๐—˜๐—— ๐Ÿ“Œ @Cilmu_nafsi_10 @Dabiibe_Jacayl @Saxiibka_Nolosha @Maskax_maaal @Hagaha_nolosha @qoraal09 @halgnka Gแดœแด…แดแดแดษชแด‡ ๐Ÿ‘จโ€๐Ÿ’ป: @Cabdullahi_7
ุฅุธู‡ุงุฑ ุงู„ูƒู„...
HALKAAN TAABO ๐Ÿ“Œ
ุงุฎุชุฑ ุฎุทุฉ ู…ุฎุชู„ูุฉ

ุชุณู…ุญ ุฎุทุชูƒ ุงู„ุญุงู„ูŠุฉ ุจุชุญู„ูŠู„ุงุช ู„ู…ุง ู„ุง ูŠุฒูŠุฏ ุนู† 5 ู‚ู†ูˆุงุช. ู„ู„ุญุตูˆู„ ุนู„ู‰ ุงู„ู…ุฒูŠุฏุŒ ูŠูุฑุฌู‰ ุงุฎุชูŠุงุฑ ุฎุทุฉ ู…ุฎุชู„ูุฉ.