cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

Hamda_ Nourツ‍

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍

Show more
Finland1 191The language is not specifiedReligion & Spirituality15 103
Advertising posts
6 632
Subscribers
+324 hours
+407 days
+18530 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.
Show all...
7🕊 1
"Waxa tahay qof insaan ah Iyo ehel karaamaysan.. Labadaa meeris waxay igaga filnaadeen sheeko iyo sharraxaad dheer oo haddii aan bilaabo erayadu iga dhammaan lahaayeen, Alla nuxur badanaa oo sii fogaa.
Show all...
🕊 7 6
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد. 🤍
Show all...
11🕊 1
Bilawgu waa gudaheena dhammaadkuna waa gudaheena. Go'aamadeenuna waa kaligeen. Adduunku uma nihin muhiiim hadana ma aha inaan indhaha adduunka ku eegno gudaheena dhahnano waxba ma nihin, waxwalba oo nahayna adduunka waxba uma nihin xaq maaha inaad dhibane u noqoto adduunka iyo ifafaalooyinkiisa is gedgedinaya. Indhahaaga ku eeg duunkaaga hoose, ha matalin cidkale, hana eegan qof kale, ha nicin cid, hana aamminin si xad ka bax ah inay ahaanayso wax walba. Waa muhiim in nolosheenu is taag ku dhawaato marar badan balse maaha dhammaadka saxda ah. Haddii aad isku dhiibto wax walba waxaad ahaan doontaa jabab badan oo kala jaad ah balse hadaad is dhigto meel aysan cidkale ku dhaawacayn adduunkeenu waa dhag. Waa jab yar oo wadahadalka naftayda ah oo aan ka helay note kayga. Feb2024
Show all...
5🕊 1
Hadhow kadib "Hadhow kadib"- Ayaan kula soo hadali doonaa- Mar danbe ayaan ku soo wici doonaa.- hadhow ayeynu is arki doonaa. Waan kusoo dhamayn doonaa hawshaa hadhow. "Wax walba waan u dhaafnaa hadhow, laakiim illow in" hadhow kadib" ay tahay balan dhan ah. Ka dib, kuwa aan la balano oo dhan ma yilaadaan. Hadhow, ma maqalno, mana aragno iyaga. Hadhoow ka dib, waa xasuus uun, waad iska dayn doontaa inaad hawl ama balan inaad ku halaysid qof, waayo waxa laga yaabaa inaad ogaato inay ku cuslayn fariinta aad fartey. Dad aan ku fiicnayn waxa aynu u dirno, waxa ay keentey muddo dheer oo qasaare ah maalintuna waxay noqotaa habeen xoggu wuxuu noqdaa mid aan waxba tarayn. Dhoolo cadayntu waxay noqotaa murugo,Noloshuna waxay noqotaa dhimasho. " Hadhow kadibna" waxay noqotaa " balan aad u daahday.🤍
Show all...
2👍 1🕊 1
Adiguna muhiim baa tahay Dhibic walba oo dadaal nafhurnimaa ee maal maskax iyo muruq leh, eed ku bixinaysid garab galka aadmiga kale adigoon manfac ka doonayn, lahayn eexaysi iyo hagar toonna, waa lama huraan suuragelinaya jiraalka aadminimo iyo isku tiirnaanshaha bulsho. Inta u dhaxaysa suhdinimada iyo dhabcaalnimada marnaba ha u hurin naftaada sarraynta aadmiga kale! Samadoon, milgadoon oo gobanimo badnow, ka nasahnow lexejeclo iyo eexaysi, adigoo dheelitirnaan ku sugaya labada kafadood ee halbeegga, haddana haddii labada midkood sadkeed bursi dheeraanayso ku dadaal ka horumarinata nafsaddaada wax walba oo kale tan mudanta ah goorwalba inay ahaato. Adigoon marnaba ku sifoobin danayste dantiis uun garad ah had iyo goor inaad noqotid, maadi manfacdoonnimo uun ku fooggan goorwalba, haddana ha ku hilmaamin dantaada ku hawllanaanta danaha aadmiga kale, khad casaana waa inay noqoto nafsaddaada ka horumarinteeda wax walba oo kale khaanadda heer-ka labaad ama saddexaad waa inay kuugu jiraan. Haddii aadan nafsaddaada muhiimadda koowaad aadan u ahayn, yaad u tahay muhiimaddiisa koowaad?!! Naftaadaad u tahay biixiyaheeda iyo badbaadiyaheeda, waxaad wakhti gelisid waxaa u mudan nafsaddaada mustaqbal, qof-ka aad hadda tahay waxa uu ku hawllanyahay waa waxa ku dhaxalsiinaya miraha aad berri guran doonto. Goorwalba xasuusnow dadka inaad garab gashaa keliya muhiim ma ahan! Adiguna muhiim baa tahay, maya ma ahan! Adiguna waad kasii muhiimsantahay. “Treat Yourself Like Someone You Are Responsible for Helping.” — 12 Rules for Life Jordan Peterson: Rule 2 “Naftaada ula dhaqan sidii qof aad mas'uul ka tahay inaad caawisid.”
Show all...
6👍 1🕊 1
Nafhurnimo, suhdinimo, deeqsinimo, sifaadkaas waxaa ku sifoobay kuwa eebe markii uu ka warramayay ka yidhi; ﴿ وَيُؤْثِرُونَ عَلَى أَنْفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ﴾ الحشر: 9 “Waxay ka hormarinayaan naftood nafta dadka kale, iyagoo iyagu u baahan ayay ugu deeqayaan dadka kale.” Haddaadan kamid noqon karin, ku tar dadka intaad awoodi karaysid.
Show all...
9🕊 1
Laba jeerba ha baqan: 1. Marka aad ku taagan tahay xaq, haka baqan in aad xaqaa caddayso oo aad ku dhiirrato in aad meesha ka saarto xumaanta sayidcalaynaysa. 2. Marka aad sheegayso aqoon. Sababta oo ah, haddii aad aqoonta sheegisteeda ka baqato jaahilka ayaa helaya fursad uu ku sheego been aan meel haysan—haddii aad ka hakato sheegista aqoonta aad garanayso jaahilka ayaad u hoggaansami, waxa uu ka dhigayo aqoontana waad liqi amar la'aan.
Show all...
6🕊 1
Adiguna muhiim baa tahay Dhibic walba oo dadaal nafhurnimaa ee maal maskax iyo muruq leh, eed ku bixinaysid garab galka aadmiga kale adigoon manfac ka doonayn, lahayn eexaysi iyo hagar toonna, waa lama huraan suuragelinaya jiraalka aadminimo iyo isku tiirnaanshaha bulsho. Inta u dhaxaysa suhdinimada iyo dhabcaalnimada marnaba ha u hurin naftaada sarraynta aadmiga kale! Samadoon, milgadoon oo gobanimo badnow, ka nasahnow lexejeclo iyo eexaysi, adigoo dheelitirnaan ku sugaya labada kafadood ee halbeegga, haddana haddii labada midkood sadkeed bursi dheeraanayso ku dadaal ka horumarinata nafsaddaada wax walba oo kale tan mudanta ah goorwalba inay ahaato. Adigoon marnaba ku sifoobin danayste dantiis uun garad ah had iyo goor inaad noqotid, maadi manfacdoonnimo uun ku fooggan goorwalba, haddana ha ku hilmaamin dantaada ku hawllanaanta danaha aadmiga kale, khad casaana waa inay noqoto nafsaddaada ka horumarinteeda wax walba oo kale khaanadda heer-ka labaad ama saddexaad waa inay kuugu jiraan. Haddii aadan nafsaddaada muhiimadda koowaad aadan u ahayn, yaad u tahay muhiimaddiisa koowaad?!! Naftaadaad u tahay biixiyaheeda iyo badbaadiyaheeda, waxaad wakhti gelisid waxaa u mudan nafsaddaada mustaqbal, qof-ka aad hadda tahay waxa uu ku hawllanyahay waa waxa ku dhaxalsiinaya miraha aad berri guran doonto. Goorwalba xasuusnow dadka inaad garab gashaa keliya muhiim ma ahan! Adiguna muhiim baa tahay, maya ma ahan! Adiguna waad kasii muhiimsantahay. “Treat Yourself Like Someone You Are Responsible for Helping.” — 12 Rules for Life Jordan Peterson: Rule 2 “Naftaada ula dhaqan sidii qof aad mas'uul ka tahay inaad caawisid.”
Show all...
5👍 1🕊 1
Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato suubanaheennii! In aan cidna la ximin, la xumeyn, la xaasidin, la dhibin, la isu bogin, la isu tudho, oo la isu naxariisto ayaa sifooyinkiisii ka mid ahaa. Haddii la soo ururiyana ah; afkaaga iyo addinkaaga halaga nabadgalo. Bes. Allahumma salli wa sallim calaa nabiyinaa Muxummad.
Show all...
16👍 1🕊 1
Choose a Different Plan

Your current plan allows analytics for only 5 channels. To get more, please choose a different plan.