cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

#Aqoon guud #Sooyaalka islaamka #xoggo #Murti #ogow wax cusub #Cadawgeenu wa ayo?

Show more
Finland2 056The language is not specifiedPolitics11 598
Advertising posts
2 839
Subscribers
-124 hours
-27 days
+330 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Photo unavailableShow in Telegram
Aaladan yar ee loo adeegsado isgaadhsiin ahaanta taas oo iskugu diro farriimaha gaagaaban ayaa maanta cadowga Yuhuuddu ku qarxiyeen 4000 kun oo ka mid ah ciidanka ururka argagaxisada ee Xisbuaat iyo raskaalo sar-sarre oo ka tirsan ururkan, aaladan oo ay iskula xidhiidhaan xubnaha kala duwan ee Xibulaat ayaa ahayd mid Yuhuuddu ku rakibeen walxo qarxo ka hor inta aan laga iibin argagaxisada Xisbulaat. Ilaahay baa dulmi-falayaashii isku garaacay oo dhexdoodii colaad ka furay. 😎🍿
Show all...
👎 1 1
Photo unavailableShow in Telegram
Alfurqan online qaybteeda courses ka gaagaaban waxay ugu bushaaraynaysaa ardayda sanadkan jaamacadaha bilaabaysa tobabar ku saabsan sidee ayaad ku dooran kartaa faculty ka kugu haboon eejaamacada oo soconaaya mudo hal maalin ah waxa aanu ka kooban yahay laba Mawduuc oo muhiim ah 1: sidee kudoorta kuna gartaa faculty igu haboon , waxaynu dul istaagaynaa shanta qodob ee ugu muhiimsan 2: qodobka labaad: faculty yada jaamacada lagu dhigto iyo midkastaa waxa uu ku saabsan yahay ==Diwaangalintu waxa ay xirmaysaa 25/8/ 2024 Hadaba si aad isku diwaan galiso riix linkiga hoose @alrahma_academy. @alrahma_academy @alrahma_academy AmA whatsapp: 0633010134 Fursadan ka faaidayso
Show all...
👍 1
Maxaa keenay in muddo 10 bilood ah ay Yuhuudda Sahyooniyaddu awoodi waydo inay disho Maxamed Al-Dayf, Abu Cubayda iyo Yaxye Sinwaar oo ku sugan gudaha qassa oo ay k dagaalamayaan kumanaan ciidamada Israa'iil ah? Maxaa keenay in sidaa yar ee fudud loogu dhex dilo caasimada Dahraan ee Iiraan hogaamiye mujaahid oo madaxiisa dahab ay cadowgu ku raadiyaan? Maxaa sababay in gantaal lagu dilo hogaamiyahii mujaahidiinta Xamaas ee Ismaaciil haniya isagoo jooga Caasimada dal awoodaha gobolka ka mid ah ? Maxaa loo dili waayey Xasan Nasrulaat oo juquraafi ahaan aad ugu dhow Yuhuudda joogana dal -lubnaan- aan sida Iiraan u horumarsanayn hub ahaan?? Siday ku dhacday in aan xataa xagtin la gaadhsiin gudoomiye ku-xigeenka Xisbulaat iyo afhayeenka Xuutiyiinta oo ka joogay Dahraan markii la dilayey Ismaaciil haniya? Maxaa isku beegay dilka Haniya iyo la kulankii xalay uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iiraan Khaaman'e ? Sidee loo ogaan waayey gantaalka dal kale laga soo ganay ee Caasimadda Dahraan ee Iiraan ugu yimid halkii uu deganaa Ismaaciil haniya? Ma odhan kartaa waxa ay Iiraan ku doorsatay Ismaaciil Haniya Xasan Nasrulaat badbaadadiisa, siduu uu Taraam (Trump) hore u sheegay in Iiraan horay ka codsatay in aan la dilin Qaasim Sulaymaani ee doorkiisa la dilo Muhandisi oo ahaa hogaamiye-kooxeed shiici Ciraaqi ah oo maleeyshiyo argagixiso shiici ah maamula. War jiraaba cakaaruu yimi.
Show all...
😢 1
Photo unavailableShow in Telegram
Maxaa kuwan loo dili waayey haddii ay cadow ku yihiin Israaiil???
Show all...
😱 1
Photo unavailableShow in Telegram
إنا لله و إنا إليه راجعون .
Show all...
😢 2
Maxaa keenay in muddo 10 bilood ah ay Yuhuudda Sahyooniyaddu awoodi waydo inay disho Maxamed Al-Dayf, Abu Cubayda iyo Yaxye Sinwaar oo ku sugan gudaha qassa oo ay k dagaalamayaan kumanaan ciidamada Israa'iil ah? Maxaa keenay in sidaa yar ee fudud loogu dhex dilo caasimada Dahraan ee Iiraan hogaamiye mujaahid oo madaxiisa dahab ay cadowgu ku raadiyaan? Maxaa sababay in gantaal lagu dilo hogaamiyahii mujaahidiinta Xamaas ee Ismaaciil haniya isagoo jooga Caasimada dal awoodaha gobolka ka mid ah ? Maxaa loo dili waayey Xasan Nasrulaat oo juquraafi ahaan aad ugu dhow Yuhuudda joogana dal -lubnaan- aan sida Iiraan u horumarsanayn hub ahaan?? Siday ku dhacday in aan xataa xagtin la gaadhsiin gudoomiye ku-xigeenka Xisbulaat iyo afhayeenka Xuutiyiinta oo ka joogay Dahraan markii la dilayey Ismaaciil haniya? Maxaa isku beegay dilka Haniya iyo la kulankii xalay uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iiraan Khaaman'e ? Sidee loo ogaan waayey gantaalka dal kale laga soo ganay ee Caasimadda Dahraan ee Iiraan ugu yimid halkii uu deganaa Ismaaciil haniya? Ma odhan kartaa waxa ay Iiraan ku doorsatay Ismaaciil Haniya Xasan Nasrulaat badbaadadiisa, siduu uu Taraam (Trump) hore u sheegay in Iiraan horay uga codsatay in aan la dilin Qaasim Sulaymaani ee doorkiisa la dilo Muhandisi oo ahaa hogaamiye-kooxeed shiici Ciraaqi ah oo maleeyshiyo argagixiso shiici ah maamula. War jiraaba cakaaruu yimi.
Show all...
😢 1
Repost from Dhiiragaliye
"NIN ABEESO KORIYOW ADIGAA U AAYI" Bartamaha Hargeisa. “Tan anaa katalin doona, qaadkaaga iska cun adigu” Waa odhaah uu si mayal adag ah ugu dhawaaqay nin ethiopian ah. Cultural assimilation ama is-dhex galka Dhaqanku waa nidaam ah la dagaalanka ama xaalufinta isirka umadeed iyada oo u dhigan hab “non violent” ah. Habkan ayaa ah mid ay dad ama koox kasoo jeeda hal dhaqan ay qaatan caadooyinka, qiyamka, iyo habdhaqanka umad kale, saamayna ku leh isbedel luuqadeed, diimeed, labis iyo dhamaan qaybaha kale ee dhaqanka. U fiirso bulshadeena ma jirto meel ay salka ku hayaan maanta, haday tahay Maal iyo Magactoona, Wakhtigan waxaynu nahay umad jinsigeedu aasmay, dheehiina laga rogay, “lefti nagaa iyo dhuux carbeed ku gadooman” gabi ahaanba la marin habaabiyey haday tahay ilo dhaqaalana qarniyaal badan la biday jaad dheeftiisuna gacan ethiopian u sugnaatay. In badan oo inaga mid ah dhayal dhayal bay moodayaan, Ethiopianku maanta waxay dhidibkeeda dhisayaan ummad ay dhigaalka u aayaan, nasiibdaro innagu aynu mooganahay. Dib u milicso cawaaqibta ay leedahay in umad bulsho kale lagu dul abuuro, Intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1947 ayey dharaar cad reer Palestine ku dhiiradeen iney aqbalaan soo dhaweynta yuhuuda, iyagoon waxna ka hagran. Dhereg dhaaf ka dib, ileen yuhuudi abaal malee ragii u dhibtooday waakuwaa rasaasta u dhigaaya, dhafoorkiyo laabtana kawada toogtay. “ وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى" Dhimbiil iyo dhamac la shiday ayey ugu abaal gudeen umadii kalfurnaanta ku qaabishay, inkabadan kumanaan reer Palestine ahna waa kuwaa dhintee hada mootan. فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى ٱلْأَبْصَـٰرُ وَلَـٰكِن تَعْمَى ٱلْقُلُوبُ ٱلَّتِى فِى ٱلصُّدُورِ”’ xaqiiqdii maaha indhahooda kuwa indho laantu tahay laakinse waa qalbiyadooda. “Cadawgaa dhirfaaya Khayraadka dhulkayga Ee soo dhabacaaya Hadaanan ka dhiijin Dhankaa dhan dheh gaaban Intaan dhag ka siiyey Ma dhiiraday caawa” Illahy ka sakow dhalinyaro umadan iyo dhulkeenaba xaqbaa inaga saaranee aynu u feejignaano.❤️🙌
Show all...
Xirfadee ayaad jeclaan leheyd inaad Barato ?Anonymous voting
  • Sales
  • Marketing
  • Forex
  • Accounting
  • Problem solving
  • Time management
  • Leadership
  • Data analytics
  • Project management
  • Critical thinking
0 votes
👍 1 1
Heshiiska Muuse Biixi uu badda Somaliland ku dhaxal-wareejinayo waala saxeexi doonaa beri, isla sannadkan 2024 intaanu dhamaanna waa la hirgalin sida aan filayo, waxaana jira qodobo aan laynoo sheegin ka daran oo qarsoon oo heshiiskaa ku jira. 20-ka km ee la sheegayaana waa mid baladh iyo dhererba ah oo kasoo bilaabmi doonaa xad-beenaad ilaa deegaanka Lugyaha. Ka dib marka uu qabto doorashada bisha 11aad isaga ayaa ku guulaystay doonaa shaki la'aan, haddii xisbiga mucaaradku uu diido, oo reerka xisbigaa murashaxiisu kasoo jeedo ay dagaal iyo qalaase bilaabaanna wuxuu keensan doonaa hadhaagii ciidanka Itoobiya ee oromada u badnaa kuwaas xasuuqyo iyo gaboodfalo waaweyn ka geysan doonaa deegaano ka mid Somaliland si loo ilaaliye kursiga iyo taliska iyaga gaashaanbuurta la ah, waxa ka dhici doonaa deegaano Somaliland ka mid xasuuqii ka dhacay Muqdisho 2007 mid la ah oo sidii Cabdulaahi Yuusuf uu ciidaamada Itoobiyaanka u keenay Muqdisho si isaga danahiihu u fulo ayuu Muusana samayn doonaa. Balse ayaandarrada kasii daran waa in aanay bixi doonin Itoobiyaanku intaa ka dib oo xataa deegaamaysi cusub ay Oromo ka samaysan doonaan dhulka Somaliland tan oo ka xun ta gobolada Soomaaliya ee ay joogaan ciidamadda Itoobiya maxaa yeelay markan waa deegaamaysi ee maaha gacan-ku-hayn keli ah. Intaa ka dib waxa maalinba inyar fidi doontaa deegaamaysigaa oo sida Yuhuuddu #Falastiin ku qaateen ay maalinba soo-galooti cusub kusoo qulquli doonaan Somaliland kuwaas oo ah #Oromo keliya. Reer kasta oo isku daya in uu ka dhiidhiyo waxa la marsiin doonaa ciqaab adag oo xasuuq u badan. Kusoo dhawoow naarta cusub ee #Somaliland lagu furi doono.
Show all...
👍 1🔥 1
Photo unavailableShow in Telegram
Xisbulaat ka ay dadka qaar la barooranayaan waa kuwa sidan u galay masaajidadii Muslimiinta ee magaalada xalab, xasuuqayna 1.5 milyan oo muslimiin suuriyaan ah.
Show all...
Choose a Different Plan

Your current plan allows analytics for only 5 channels. To get more, please choose a different plan.