cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

Ku so dhowow channelkaan waxad ka heleysaa dhacdooyinki udanbeyay e falastiin.👏🏻

Show more
Finland2 575The language is not specifiedNews & Media37 637
Advertising posts
1 741
Subscribers
+624 hours
+557 days
+27730 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Asc walaalyaal ka raali noqda inta aan warkii halkaan kuso baahin jiray aan Kala jaray arimo igu yimi darteed waxan idin Wadaa Page Facebook ah o wiil leyahay wararkana uu marwlba so gasho kalana socon kartan wararkii udambeyay ee bariga dhexe https://www.facebook.com/IimanJaama?mibextid=LQQJ4d Link ku dhafo Mahadsanidiin
Show all...
Log in or sign up to view

See posts, photos and more on Facebook.

👍 4
Iran ayaa dil toogasho ku fulisay 45 qof bishii la soo dhaafay ee Agoosto, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay oo sidoo kale lagu soo bandhigay tirada dadka ay Tehran dilka toogasho ku fulisay sannadkan 2024 inay kor u dhaaftay 400 oo qof. Fiiro gaar ah; Iran , waxaa ka horreeya kaliya Shiinaha , marka laga hadlayo tirada dilalka toogasho dunidda oo dhan,iyadoo inta badan dadkan la toogtay lagu eedeyay inay hay’addo shisheeye ama daroogada ka ganacsan jireen.
Show all...
👍 6 3
Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa hadda sheegin warka la xiriira inay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay , iyadoo waxyar ka hor ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ay sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , wuxuuna siday ilaa labo milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah. Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska dhexe ee Mareykanka , ayaa lagu sheegay markabka Sacuudiga iyo markab kale oo oo sitay calanka Panama ee Blue Lagoon I inay la kulmeen weerarrada Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaallo ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay sii wateen safarkooda lamana sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarran ay gaarsiiyeen labada markab. Fiiro gaar ah; Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa shir jaraa’id oo xalay uu qabtay aan marna sheegin inay weerarreen markabka Sacuudiga , sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inay la xiriirtay milkiilaha markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Amjad iyo sidoo kale kooxda maraakiibta qaranka Sucuudiga ee Bahri, kama aysan jawaabin wararka la xiriira in markabka Amjad uu weerar kala kulmay Xuutiyiinta oo taa beddelkeeda sheegtay inay weerarreen markabka Blue Lagoon I oo isagana siday labo milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah.
Show all...
😢 2👍 1😁 1
Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen qayb ahaan hubkii ay u dhoofin jireen Israa’iil.
Show all...
Photo unavailableShow in Telegram
Sawir ay baahiyeen guutooyinka hubaysan Xamaas ee Al Qassam, kaaso soo muujiyay xubnahooda ilaalinaya maxaabiista oo bastoolad gacanta ku heysta kuna sii socda maxbuuska, waxaana lagu soo qoray ; Cadaadis ciidan, natiijada ka dhalanaysa waa dhimasho iyo guul-darro, heshiis isdhaafsi , wuxuu la macno yahay xorriyad iyo nolal.
Show all...
DEG DEG: Xamaas ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo la siiyay xubnaha ilaalinaya maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo gododka Qasa, hadda waxay si buuxda amar ugu qabaan inay dili karaan maxaabiista , mar kasta oo ay iskudayaan ciidanka Israa’iil inay xoog ku soo furtaan. Hadal ka soo baxay afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, Cubayda oo ay baahisay Al Jazeera ayaa lagu sheegay ; “Ku adkaysiga Netanyahu ee ah in maxaabiista lagu sii daayo cadaadis militari - halkii ay heshiis ka gaari lahaayeen - waxay la macno tahay in lagu celin doono qoysaskooda iyagoo naxash ku jira.”
Show all...
👍 3
Xamaas oo warsaxaafadeed ka soo baxay uga hadashay 6 maxbuus ee saakay meydadkooda laga helay Rafah; “Waxaa mas'uul ka ah dhimashada maxaabiista waa qabsashada ku adkaysanaysa sii wadida dagaalka xasuuqa iyo maamulka Maraykanka sababtoo ah taageerada gardarrada. Maxaabiista waxaa lagu dilay duqeynta Sahyuniyadda, Madaxweyne Biden, haddii uu daneynayo noloshooda waa inuu joojiyo taageerada uu u hayo cadowga, waxaan ka aqbalnay soo jeedintiisa iyo qaraarkii Golaha Ammaanka ,laakin Netanyahu ayaa diidday.”
Show all...
Iran ayaa sheegtay inay jirto khatar amni oo gudaha ah , iyagoo ku eedeyay inay Israa’iil gudaha Iran ka abaabulayso kooxo khal-khal gelinaya amniga.
Show all...
Xamaas ayaa dishay 6 ka mid ah maxaabiista ay hayeen ka hor inta aysan ciidanka Israa’iil gaarin goobtii lagu hayo , sida u sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari. 6 maxbuus ayaa meydadkooda laga soo saaray god ku yaalla Rafah, mid ka mid ah ayaa ah Israa’iili- Mareykan ah. Warkan markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa goor dhow sheegay inay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo gaari lahaa, si loo badbaadiyo maxaabiista. Fiiro gaar ah; Guddiga qoysaska maxaabiista Israa’iil ayaa mas’uuliyada dhimashada maxaabiistan dusha u saaray Netanyahu oo ay ku sheegeen inay arrintan u dhacday diidmadiisa heshiis xabbad-joojin ah. Ma jiro Xamaas, wali hadal ka soo baxay oo la xiriirka maxaabiista meydadkooda la helay.
Show all...
3 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay bar-kontorool oo ay ciidanka Israa’iil ku sugnaayeen oo ku taalla Tarqumiyah oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la heysto. Fiiro gaar ah; Weerarrada ka dhacaya Daanta Galbeed ayaa sare maray, iyadoo maalintii shanaad uu socdo duulaanka Israa’iil ee Daanta Galbeed.
Show all...
Choose a Different Plan

Your current plan allows analytics for only 5 channels. To get more, please choose a different plan.